Saturday, 19 May 2012

Car Yaa Wareesto Aan Bud La Dhicin

Xariif Reer Mudug Ah Waxuu Soo Aaday Tuulo U Dhaweed Baadiyaha U Daganaa Habeenki Marki La Gaaray Uu Cid Ku Soo Leexday Si Uu Ugu Hoydo Habeenkaas  Guriga Waxaa Joogay Gabar Yar Kaligeed  oo 19/20 Meelahaas Ah Markaasna Todobo/Honeymoon Ka Baxday Sidii Caadada Ama Dhaqan Soomaaliga Eheed Waala So Dhawaayey Waana La Sooray Laakin Gabadha Naf Iyo Sheydaan Aa Ku xariirtee Waxay Is Tiri Maraxaan Amaa Caawo Ka Noolaataa Laakin Maraxa Maraxweyn Uu Ahaa Hurdo Uu Iska Camirtay Gabadhii Sidii Ay U Fikireysay Roob Yar Aa Imaaday Way Soo kicisay Aqalki Oo Hal Sariirtaalay Ay Soo Gelisay Sariirti Aa Lagu Wada Seexday Gadaashiisa Ay Martay Horaadada/Jeebabka Inta Kore Ay Qaawsatay Dhabarka Ay ka Saartay Saaxiibka Waa Qalqalay Hurdo Aa Qabatay Bowdada/Cajiska Aala Soo Saaray Horay Ayba Korantada Uga Tagtay Wuuba Iska Seexday Subaxdi Waago Oon Baryin Aala Kiciyey Oday Hadaaf/Bax  Afbilaaw/Quraac Xitaa Ma Jirto Ee Duuduub Nagu Dhaaf Aala Dhahay Saaxiibka Asigo Oo Ka Qasneyn U Yimid Tuuladii Uu Usoo Socday  Reer Baadiye Waa Iska Taqaanaa Waala Wareestay Abaar iyo Aaran Uu Ka Sheekeeyey Markaas U Yiri Markaan Xalay So Baxay Qof Kaligeed Ah Aan Ku Soo Hoyday Faaraxii Wareysanaayey Koobis u Bilaabay HAYE
 Faarax: Haye
Odaydhoore: Waa Ley Soo Dhaweeyey Oo Sifiicanaa Ley Sooray
Faarax: Haye
OdayDhoore: Roob Baa Yimid Oo Aqalka Ley Soo Geliyey Waliba Hal Sariir Taalo o Wada Seexabay
Faarax: Haye
OdayDhoore: Jeebabka Ay Qaawsatay Dhabarkana Iga Saartay
Faarax: Haye 
Odaydhoore: Waliba Lugta Leygu Daray
Faarax: Haye Haye Haye Haye Kadib Na Ina Adeer 
Odaydhoore: Waanba Naxay Oo Waa Iska Seexday Saakayna Quraac Leyma Soo Siin


Faaraxii Wareysanaayey BUD u Watay Intuu Qaatay Uu Madax Uga Dhuftay Waa Lagu Soo Baxay Waa Laga Qabtay Waxaa la Yiri " Waryaa Ninka Maxaa Ku Dishay" Faarax Oo Caro/Xanaaq Badan ka Muuqdo Aa Yiri " Ilmo Adeerayaalow Car Yaa Wareesto Oon Budeyn"

No comments:

Post a Comment