UN Ka aa Waxaa Iska Qoraayey Nin Soomaaliya Ah Marki Kiiska Laga Qabtay Waxaa La Dhahay Soomaaliya "Maxaa Uga Soo Carartay" Waxuu Dhahay Soomaaliya Dhibtaatooyin Badan Aa Leygu Geestay Oo Waaba Ley Dili Lahaa Hadaan Soomaaliya Joogi Lahaa Saacadaan" Waxaa La Yiri Wax cadeyn Ah Ma Heysaa O Dhibaatadada Ka Turjumaayo Saaxiibka Haa u Dhahay Afka Intu Kala Qaaday Kulahaa Ma U Jeediin Ilkaha Macal Gowsaha Inay Jajaban Yihiin Soomaaliya Ay Iiga Soo Daateen ' Xariifka, Xariifki Turjumaanka Ahaa Kulahaa " Waryaa Waxaa Cadeen Maahee Cadeen Kale La Imaaw Ilkahaan Qaad Aa Jajabiyey"
Adaa Yaabeesid Sheekooyin Waalan Ugu Imaaw Mininka Mininkaa Waaye Ha Is Martiyeynin Biya Caadi Ah Iyo Gaxwo Sokor La'aan Diyaar Waaye, YAAN LAGA DAREEMIN in Aad meeshaan Ku Nasatid lolz
Wednesday, 30 May 2012
Monday, 28 May 2012
Naga Bareejeey
Ciyaalka Xaafada Aa Waxaa Wareeriyey Mid Sheeko kasto oo Laga Sheekeeyo Keenaayo Asigoo Dhahaayo Hooyadey Ama Adeerkey Ama Saaxiibkey Ay Ku Dhacday Waa Loo Fikiray Maalinti Dambe Geedka Ciyaalka Xaafada Marki La Soo Fariistay Aa Mid Sheeko Waxuu Ka Bilaabay Aniga Hada Kahor Liibiya aa Leygu Xiray Xabsi Aan Galay Waa ley Kufsaday Nabaro Aan La Sheegin Aa Leyga Daweeyey Hada Waa Fiicanahay Alxamdulilaah, Kii Waa Aamusay Asigoo Looga Bartay In Uu Sheekadaas Camal Keeno, Xoogaa Marku Aamusnaa Aa Mid Kale Oo Ag Fadhiyey Dhahay' Saaxiib Naga Bareejey Nooh" kkkkkkkkkkk
Sunday, 27 May 2012
Saqiir Jaamac La Dhaho
Macow Oo Reer Xamar Weyne Ah Aa Gaalkacyo Ka Furtay Harqaan Markaas U Mudo Joogay Meesha Naag U Guursaday Wiil Ay U Dhashay Mudo Marka Meesha Joogay Xamar uu Soo Aaday Marku Xamar weyne Imaaday u Hooyadiis Iyo aabihiis U Keenay Wiilki u Dhalay Oo Asiga U Eg Wiilka Yaraa Awoowihiis Oo Ku Faraxsan Aa Wiilkiisa Weydiiyey " Igaarkey MACOW Kan Ad Maa Dhashi" Macow "Haa Aabe" Awoowihii Waxuu Dhahay " Meeqo Sano Aas Jiraa Waa Noo Egyahay Walaahi kan Xalaal Waaye" Macow Waxuu Dhahay " Aabe Lamo Sano Iyo Nus Aas Jiraaa" Awoowahii Aa Dhahay " Igaarkaan Aan Awoowaha U Ahay Magaciis" Macow Waxuu Yiri "Aabe Waxaa la Yiraahdaa JAAMAC' Awoowihii Intu Dhulka Boobsiis U Dhigay U Dhahay " Saqiir Jaamac La Dhahaayo Ebedkey Ma Arkin " Lol Magaca Ma Laga Badalaahe lolz
Saturday, 26 May 2012
Budka Waa Ku Cadeysanaa
Nin Fulay ah Aa Asigoo Xaaskiisa La Hurdo Waxaa Guriga Usoo Galay Tuug Markaas Uu Xaaskiisa Ku Dhahay " Macaaney Wadnaha Leyga Haayaa Ee Tuuga Naga Bixi" Ayadana Waxay Ku Tiri "Adiga Nin Ah Ee Istaag Tuuga Naga Saar" Saaxiibka Rag Uu Iska Dhigay BUD Uu Horay U Qaatay Saaxiibka Marku Barsada Maraayo Tuugi Waa Dhuuntay Meel U Isku Qariyey Markaas U Hal Mar Soo Baxay Marku Tuugi Arkay Uu Naxay Markaas Aa Tuuga Ku Yiri "Waryaa Inee U Socotaa' Fulaygi Waxuu Ku Jawaabay "Musqusha/Suuliga Aan U Socdaa" Tuugi aa Ku Yiri " Budkaan Maxaa Ku Sameynee?" Saaxiibka Kulahaa Waa Ku Cadaysanaa kkkkkkkkkk
Thursday, 24 May 2012
Shimees Leexdi Kaas, Ciyaal Maamo kirishbooy Ah
Mid Ciyaal Maamo Ah Aa Waxuu Diiday Iskool Iyo Dugsi Labadaba Guriga Aa Laga Buriyey Adeerkiis Oo Baabuureey Ah Uu Ku Dhahay Adeer Shaqo Isii Isla Markiiba Waxaa Laga Dhigay Kirishbooy/DaboKafuul Saaxiibka Safar Aala Aaday Gaari Isjiin Macal Rimoorkiis Ah Uu Saarnaa Baabuurki Oo Ewalba Tacbaan Ahaay Aa Waxuu koraayey Dalcad Remoorki Aa Ka Haray Saaxiibka Waa U Jeedyey In U Remoorki Haray Laakin Howshiisa Uu Ka Watay Meel Tuulo Ah Aala Tagay Darawalki Aa Dhahay "Waryaa Aaway Remoorki" Saaxiibka Kulahaa "Lee Kaas Shimee Leexdi Lamo Saac Ka Hor Aas leexdi Iniis Meel Kale U Socdaa Mudaayi" Waxuuba u Maleeyey Inuu Darawalka leexiyey Kulahaa Maxaa Iga Weydihee Kaas Adi Lee Ma Wadinoo,
Wednesday, 23 May 2012
Bambo Kalaa I Taalo
Mid Ciyaalka Xaafada Ah Aa Asigo Istiin ah Xashiish Soo Cabay Asigo Bambo Garaacaayo Aa Waxaa U Yimid Oday Dariskooda Ahaa Waxuu Ku Yiri "Adeer Bambadaan Yeysan Qarxin Ee Garaacida Ka Daa" Saaxiibak Maba Iska Waalin Kulahaa "Adeer Haday Rabto Ha Qaraxdo Bambo Kalaa Ii Taalo"
Tuesday, 22 May 2012
Facebook Relation Status, Nacamleeye Raadso
Gabar Aa Wiil Ku Tiri Aboowe Ii Waran, Waxuu Ugu Jawaabay " Waa Fiicanahay Ee Caawo Maxaa Darnaa? Salaan Aad I Salaanto Iska Daaye Hadaan Ku Salaamo Xitaa Igama Qaadi Jirine"
Gabadhi Oo Qosleyso Danteedana In Lo Dhameeyo Rabto Aa Ku Tiri " Aboowe Ka Raali Ahaaw Anoo Mashquulsan lee Ila Hadli Jirtay Ee Xumaan Ma Iga Eheen Cade Wiil Salaan Lagu Dhageesto Waa Ka Weyntahay Quruxlowga Facebook Aa Tahay, Ee Hal Wax Maka Codsan karaa?" Wiilki Waxuu yiri Lolz Abaayo Qurux iyo cadaan Gabdhahaa Leesu Raacin Jiree See Rabtaa Lolz Haye Soo Daa Codsigaada Waan Ku Sameynaa". Gabadhii Aa Tiri "Aboowe Qof Aan Rabaa In Aan Xumeeyo Ee Relationship Ka Aan Married Soo Dalbanaa Iga Aqbal/Accept Wallkana Hees Macaan Iisoo Dhig Intaas Kaliya Ii Samey" Wiilki Oo Yaaban Aa Yiri " Abaayo Hadii Aad Adiga Dadkaada/Jaceylkaada Xumeyneysid Keygana Maku Dari Rabtaa,
NACAMLEEYE RAADSO
Gabadhi Oo Qosleyso Danteedana In Lo Dhameeyo Rabto Aa Ku Tiri " Aboowe Ka Raali Ahaaw Anoo Mashquulsan lee Ila Hadli Jirtay Ee Xumaan Ma Iga Eheen Cade Wiil Salaan Lagu Dhageesto Waa Ka Weyntahay Quruxlowga Facebook Aa Tahay, Ee Hal Wax Maka Codsan karaa?" Wiilki Waxuu yiri Lolz Abaayo Qurux iyo cadaan Gabdhahaa Leesu Raacin Jiree See Rabtaa Lolz Haye Soo Daa Codsigaada Waan Ku Sameynaa". Gabadhii Aa Tiri "Aboowe Qof Aan Rabaa In Aan Xumeeyo Ee Relationship Ka Aan Married Soo Dalbanaa Iga Aqbal/Accept Wallkana Hees Macaan Iisoo Dhig Intaas Kaliya Ii Samey" Wiilki Oo Yaaban Aa Yiri " Abaayo Hadii Aad Adiga Dadkaada/Jaceylkaada Xumeyneysid Keygana Maku Dari Rabtaa,
NACAMLEEYE RAADSO
Monday, 21 May 2012
Naa Leerta U Dhig
Gaari Safar Ah Aa Waxuu Ku Halaabay Meel Duur Ah Cidlo Ah Xooga Marki La Joogay Aa Gabar Darawalka Waxay Tiri Aboowe Biyo Aan Ku Weeseesto Isii Darawalkaan Oo Marqaan Dartiis Indhaha Isku Heesto Marku Qayilo Waxba Kalamaba Ogo Gacanta Uu Iska Taagtay Caag 5Liitar ah o Nafto/Shidaal Ka Buuxo Uu Gacanta U Geliyey Qoftaan Juq Meeshaan ah Ay Gashay Waa Iska Xaajootay Shidaalka Ay Biyo Cml Ugu Astajootay/Hoosta Ku Dhaqatay Xooga Kadib Qoftaan Oo Qeylineyso Aa So Baxday Darawalki Oo Ka Qasneyn Ay Dharbaaxo La Kortay Waaryaa Gaas Aa i Siisay Waryaa biyo Basbaas leh Aa I Siisay Into Hal Il Isku Qabtay Kulahaa " Naa Leerta/Leyrta U Dhig Hana Wareerin Asaa Iska Qaboobaaye" Lolz
Balaayo Ha U Duceyso
Masaajid Ku Yaalo Yurub Aa Marki Salaada Maqrib Laga Baxay Wadaadka Waxuu Dhahay Cabasho Badan Aa Iga Soo Gaartay Raga Nin walbo Xaaskiisa U Ka Cabanaaye Ninki Xaaskiisa Dhibtay Ha Istaago Talo Fiican Aan Siinaaye Si reerkoodu U Badbaado Waala Wada Istaagay Hal Nin Maahane Wadaadki Aa Yiri Maasha Allaah Walaalkeen Ninkaas Meesha Fadhiyo Horta Xaaskiisa Halo Duceeyo Waa Naag Fiicane Ki Dhulka Fadhiyey Intuu Kor U Qeyliyey U Dhahay " Balaayo Ha U Duceyso Ee Ducada Haku Qasaarinina Xalay Ay Lugahii Aan Isku Istaagi Lahaa Iga Jajabisay" Ma Nooli Labada Lugood Waa Bash Lolz
Sunday, 20 May 2012
Waa Qurxanaan Jiray Dheh
Koo Ciyaalka Xaafada Ah Aa Macalimadiis Englishka Waxay u Sharaxeysay PAST iyo PRESENT Macalimadii Aa Waxay Dhahday Past Waa Waqtiga La Soo Dhaafay Present Waa Waqtiga Hada La Joogo For Example: I AM BEAUTIFUL GIRL Past Miyaa Mise Present Kii Ciyaalka Xaafada Ahaa Waxuu Dhahay Waa PAST Macalimadii Aa Ku Xnaaqday War English MA TAqaanid Ee Naga Fariiso Ay Dhahday Kulahaa MacaliN Seen English U Aqoonin Adiga I WAS BEAUTIFUL GIRL Dheh Lolz Hada Waa Ka Dhamaatay u Taaganyahay
Saturday, 19 May 2012
Car Yaa Wareesto Aan Bud La Dhicin
Xariif Reer Mudug Ah Waxuu Soo Aaday Tuulo U Dhaweed Baadiyaha U Daganaa Habeenki Marki La Gaaray Uu Cid Ku Soo Leexday Si Uu Ugu Hoydo Habeenkaas Guriga Waxaa Joogay Gabar Yar Kaligeed oo 19/20 Meelahaas Ah Markaasna Todobo/Honeymoon Ka Baxday Sidii Caadada Ama Dhaqan Soomaaliga Eheed Waala So Dhawaayey Waana La Sooray Laakin Gabadha Naf Iyo Sheydaan Aa Ku xariirtee Waxay Is Tiri Maraxaan Amaa Caawo Ka Noolaataa Laakin Maraxa Maraxweyn Uu Ahaa Hurdo Uu Iska Camirtay Gabadhii Sidii Ay U Fikireysay Roob Yar Aa Imaaday Way Soo kicisay Aqalki Oo Hal Sariirtaalay Ay Soo Gelisay Sariirti Aa Lagu Wada Seexday Gadaashiisa Ay Martay Horaadada/Jeebabka Inta Kore Ay Qaawsatay Dhabarka Ay ka Saartay Saaxiibka Waa Qalqalay Hurdo Aa Qabatay Bowdada/Cajiska Aala Soo Saaray Horay Ayba Korantada Uga Tagtay Wuuba Iska Seexday Subaxdi Waago Oon Baryin Aala Kiciyey Oday Hadaaf/Bax Afbilaaw/Quraac Xitaa Ma Jirto Ee Duuduub Nagu Dhaaf Aala Dhahay Saaxiibka Asigo Oo Ka Qasneyn U Yimid Tuuladii Uu Usoo Socday Reer Baadiye Waa Iska Taqaanaa Waala Wareestay Abaar iyo Aaran Uu Ka Sheekeeyey Markaas U Yiri Markaan Xalay So Baxay Qof Kaligeed Ah Aan Ku Soo Hoyday Faaraxii Wareysanaayey Koobis u Bilaabay HAYE
Faarax: Haye
Odaydhoore: Waa Ley Soo Dhaweeyey Oo Sifiicanaa Ley Sooray
Faarax: Haye
OdayDhoore: Roob Baa Yimid Oo Aqalka Ley Soo Geliyey Waliba Hal Sariir Taalo o Wada Seexabay
Faarax: Haye
OdayDhoore: Jeebabka Ay Qaawsatay Dhabarkana Iga Saartay
Faarax: Haye
Odaydhoore: Waliba Lugta Leygu Daray
Faarax: Haye Haye Haye Haye Kadib Na Ina Adeer
Odaydhoore: Waanba Naxay Oo Waa Iska Seexday Saakayna Quraac Leyma Soo Siin
Faaraxii Wareysanaayey BUD u Watay Intuu Qaatay Uu Madax Uga Dhuftay Waa Lagu Soo Baxay Waa Laga Qabtay Waxaa la Yiri " Waryaa Ninka Maxaa Ku Dishay" Faarax Oo Caro/Xanaaq Badan ka Muuqdo Aa Yiri " Ilmo Adeerayaalow Car Yaa Wareesto Oon Budeyn"
Faarax: Haye
Odaydhoore: Waa Ley Soo Dhaweeyey Oo Sifiicanaa Ley Sooray
Faarax: Haye
OdayDhoore: Roob Baa Yimid Oo Aqalka Ley Soo Geliyey Waliba Hal Sariir Taalo o Wada Seexabay
Faarax: Haye
OdayDhoore: Jeebabka Ay Qaawsatay Dhabarkana Iga Saartay
Faarax: Haye
Odaydhoore: Waliba Lugta Leygu Daray
Faarax: Haye Haye Haye Haye Kadib Na Ina Adeer
Odaydhoore: Waanba Naxay Oo Waa Iska Seexday Saakayna Quraac Leyma Soo Siin
Faaraxii Wareysanaayey BUD u Watay Intuu Qaatay Uu Madax Uga Dhuftay Waa Lagu Soo Baxay Waa Laga Qabtay Waxaa la Yiri " Waryaa Ninka Maxaa Ku Dishay" Faarax Oo Caro/Xanaaq Badan ka Muuqdo Aa Yiri " Ilmo Adeerayaalow Car Yaa Wareesto Oon Budeyn"
Mahadsanid Naftirkeeda Bartii Baa Lagu Dilay
Dagaalki 1977ki Soomaaliyo Iyo Ethiopia Askari Ka Soo Laabtay Oo Xooga Maskaxda Wax Ka Noqday Aa Waxaa U Yimaadeen Saaxiibadiis Xaasaski Ay Ka Dhinteen Markay Ay Wareestay Naag Walbo Ninkeeda Ay Weydiisay War Hebal Aaway Waxuu Yiri Bartii Baa LAgu Dilay Mid Kale Tiri Hebalna Markaas Uu Ku Yiri Bartiiba Lagu Dilay Mid Kale Aa Wareysatay Oo Hebalna Bartiiba Lagu Dilay Siday Mid Walbo U Laheed Hebalna Uu Asigana U Lahaa Bartiiba Lagu Dilay Aa Islaan Ka Mid Aheyn Islaamihi Oo Fahantay In Ninkaan Wax Ka Qaldanyihiin Aa Tiri Heedhe Naga Wadanaa Ninkaan Asna Ku Tiri Walaal Waad Mahasantahay Markaas Uu Yiri " Waad Mahadsantahay Naftirkeeda Bartibaa Lagu Dilay
Friday, 18 May 2012
Dhimasho Hor Marisay Ah
Dowlada Ku Meel Gaarka Aa Waxay Bandaw Ku Soo Rogtay Magaalada Muqdisho Qofki La Arko Asigoo Socdo 10ka Habeen Nimo In La Toogto Ayaa Amar lagu Siiyey Askartii Xooga Ka Dib Waqti Ay saacadu Tahay 9:30 Aa Waxaa Soo Maray Oday Waayeel Ah Mid Ka Mid Ah Askarta Aa Xabad Ku Dhuftay Waana Dhintay Askarigii Aa Waxaa La Weydiiyey Maxaa Ninkaan Ku Dishay? Waxuu Ku Jawaabay " Odaygaan Anaa Aqaano Gurigiisa 11ka Ka Hor Ma Tagaayo Marka Waa Usii Hor Mariyey Dhimashada" Advance Dead Lolz
Thursday, 17 May 2012
Mooryaan Iyo Ciyaalka Xaafada
Xariif Mooryaan Ah Oo Hurdo Ka Soo Kacay Aa Waxuu Ku Soo Leexday Ciyaalka Xaafada Oo Darjiin Ku Qayilaayo Waxuu Dhahay "Jaadka Wax Iga Siiyaa" Xooga Fiican Aa Loo Aruuriyey Saaxiibka Jaadka Aa U Macaaday Waxuu Is Dhahay Hadaa U Sheekeysid Ciyaalka Jaad Kale Aa Ka Helee Sheeko Waxuu Ka Bilaabay Saakay Markaan So Kacay Islaan Waayeel Ah Aa Xabad Iiga Fakatay Madax Ay Uga Dhacday Kadib Saaxiibadey Aa Ii Yimaadeen Gaariga Marka Raacnay Wiil Yar O Dugsi U Socdo Aan Dardarnay Markaas Aa Darawalak Ku Qeylinay Mid Kale Aa Xanaaqay Saban Aa Ka Fakaday Suuq Laga Adeeganaayo U Ku Dhacay 20 Qof Aa Ku Dhimatay Waardiyihii Suuqa Aa Na Soo Bursadeen Waa Xabadeyna, ( Faarax Meesha Fadhiyey O Ciyaalka Xaafada Ahaa Oo Niyada Ka Isleh War Yaa Idinka Damiyo Filinkaan Cabsi Cabsida Ah ) Mooryiinki Oo Sheekadiisa Sii Wato Waxuu Yiri " Sidaan Xabad I Dil Ugu Dhex Jirnay Gaarigi Aa Naga Halaabay Garaash Aan Geynay ( Faarax Aa Soo Booday Kulahaa Fadlan Ha Nagu Soo Bixin Saaxiibow)
Wednesday, 16 May 2012
10Sano Nin Ma Arkin
Oday Baseey Oo Odayaasha Xaafada Ah Aa Wiil Farmashiye Lahaa Ku Yiri Adeer Alaab Aan Doonanaa Farmashiyaha Ii Sii Gad Koley Dadka Waa Dhafarsanyihiin Kaniini Madax Ley Ku Weydiinaayaane Oday Baseey Marku Xoogaa Farmashiyaha Dhex Fadhiyey Oo Kaniini Madax Xanueen Loo Weydiinaayey Iyo Daawada Malaariyada Aa Waxaa U Timid Gabar Markaas Ay Dhahday "Adeer 10Sano Nin Ma Arkin Ee Daawo Isii" Odayga Maba Iska Waalin Ee Goojo/EyeDrop Meesha Taalay U Dhab Ku Siiyey Gabadhi Aa Waxay Dhahday "Adeer Seen Yeelaa Goojadaan"? Waxuu Yiri "Nin La'aanta Ay U Roontahay" Hadaan Indho La'aan U Arki Weysanay Indhaha Ku Shub Hadii Aad Xubi Iska Daweyneysana Asiga Ku Dhibci
Tuesday, 15 May 2012
Bakhiil iyo Xaaskiisa
Nin Baqiil Ah Aa BusStop Taagnaa Asigoo Ku Sugaayo BUS ki Xaafadiisa U Soo Qaadi Lahaa Xooga Marku Taagnaa Aa BUS Ki Oo Tartiib U Socdo Soo Maray Horay Uu Isii Dhaafay Baski Oo Aan Istaagin Ninki Wuu Ka Dabo Cararay xoogaa Waxuu Dabo Ordo Buski Siduu Isulahaa Waad Gaareysaa Uu Xaafadiisa Ku Imaaday Guriga Uu Soo Galay Asigoo Oo Faraxsan Xaaskiisaa Weydiisay Waxuu Ku Faraxsan Yahay Waxuu Ugu Jawaabay "Lacagti Buska Ayaa I Baaqatay oo BUSKA ilaa Iyo Xaafada Uu Ka Imaado Waan Soo Dabo Ordaayey" Xaaskiisa Aa Si Xanaaq Ah Ku Tiri Oo Maxaa " Taksi/Taxi Usoo Daba Ordiweysay Lacag Badan Baa Inoo Baaqan laheede" Lolz
Reer Waqooyi Vs Reer Marko
Mid Reer Waqooyi Ah Aa Waxuu Soo Aaday Saaxiibkiis Oo Xamar Ka Shaqeyn Jiray Marku Xamar Yimid Aa Waxaa Lagu Yiri Ninkaa Raadineysid MarkoCadeey Meel la Dhaho U Jiraa Odayga Halkaas Iyo Marka U Dhaqaaqay Waxaase Dardaaran Lagu Soo Siiyey Meesha Inay Qatar Tahay Oo Ragga La Fara Xumeeyo Saaxiibkiis Marku U Imaaday Ay is Wareesteen Waxaa La Yiri Saaxiib Shaqo Fiican Aan Ku Raadinaa Inta Ka Horeyso Beerahaas U Fooftag Ama Ka So Xamaalo Yaanbadaada Horay u Qaado Subaxdi Ugu Horeysay U Shaqo Tago Asigoon Meel Uu Ka Bilaabo Aqoon Ayuu Magaalada Banaankeeda Istaagay Waxuu Isku Dayey Inuu Dadka Wareesto Waaba Laga Kala Cararay Marku Dhaho Waaaaaaryeeeee Dee Waa Halkee Siduu Marba Qof U Lahaa Waaryeeee Oo looga Kala Cararaayey Marki Dambe Mid Yar U Xoog Ku Istaajiyey Si u Wareesto Yariiski Waxba Kama Dhageysan Wuuba Ooyey Saaxiibadiis Aa Meesha Soo Mareen Yariiski oo Oynaayo Iyo Ninki Oo Kor U Qeylinaayo Waaryee Waarye Leh Saaxiibadiisa Aa Dheheen Maxaa Kugu Dhacay? Waxuu Dhahay Kanaa I Dhawi Ayagana Waxay Dheheen Iska Dhaw Ununkana Waa Kula Dhaweynaa Reer Waqooyiga Dhaw Marki U Maqlay Dhulka U Fariistay Midki Soo Gaaraba Siduu Dhinac Uga Haraantinaayey Waxuu Yiri Meeshaa Doontaan Jabinya Walaahi Aadna I Dhawin Xooga Kadib Police Stationka Aa la Keenay Taliye Reer Mudug Ah O Meesha Joogay Aa Ka Naxay Ninkaan Wada Dhiigaayo Waxuu Yiri Walaale Maxaa Raga Iska Dhicin Weyday Intaay Sidaan Ku Garaacaayeen Reer Waqooyigi Waxuu Yiri " Maxaanu Iska Celinaa Inti Xoog Aanu Heynay Dabada Baanu Iskuugu Geynay" Lolz
Nasiib U Leeyahay Hadayna Wadnaha Uga Dhici
Nin Cabsan Aa Waxuu Arkay Meel Lagu Buuqsan Yahay Waxuu Dhahay Meesha Maxaa Ka Jiro Waxaa loogu Jawaabay Nin Aa Xabad Madaxa Uga Dhacday Waana Dhintay Intu Indhaha Isku Qabsaday Uu Wuxuu Dhahay " Nasiib U Leeyahay Hadayna Wadnaha Uga Dhicin" Lolz Nasiibkaa Ba'
Tuurta Bacaadka U geli
Nin Ciyaalka Xaafada Ah Aa Waxuu Aroosay Naag Tuur leh Kadib Wuu Fahmi Waayey Meel U Ka Maro Asaxaabtiisa Uu La Tashtay Waxuu Dhahay Qofta Markaan Baashaaleyno Way Kala Koreysaa Ee Talo Isiiya Mid kale Aa Dhahay Sxb Naagta Waxaa Dajisaa Guriga Ciid Ah Kadib Tuurta Bacaadka U Geli Ayada Isla Ekaaneysee Lolz
Sedexdeyda Markab Inta May Ku Jiraan
Mid Reero Tumasho Ah Aa 3 Markab Lahaa Saaxiibka Naag Cadaan
Ah U Ka Helay Markaas U Dhahay Qofyahay Waaa Qurux Badan Tahay Waxay Ugu
Jawaabtay Waa Ogahay Ee Beeso Ma Heysataa Saaxiibka Haa U Dhahay Hal Markab Uu
Soo Qarxiyey/Gaday Waa Lagu Wada Baashaalay Waa Dhamaatay Hada 2aad Uu So
Qarxiyey Waa Dhamaaday kii 3aad Oo Ugu
Dambeeyey Usoo Qarxiyey Lacagta Waa Dhamaatay Shiid aa Albaabka So Garaacay
Saaxiibka Lacag ma Heysid Miyaa Aala Dhahay iska bax hee Wuu Iska Baxay
Shiid/Busaarad Tii Ugu Darneed Aa Qabsatay Sxbkaa Qofti Uusoo Wacay Waxuu Dhahay Hal Habeen Aan Kula Seexdo Aan
Ku Iloobo Jaceylka Aan Ku Qabo Saaxiibka Waa La Soo Dhaweeyey Hotelka Ugu
Qaalisan aala Seexiyey Habeenki Marki La
Gaaray Aa Dharka Leeska Soo Dhigay Korkiisa Inta la Soo istaagay Aala Dhahay
Waa Tanaa Sisinti Aa Ku xoolo Beeshay Hadaa Hal Habeen Wax Uga Qaadeyso Intu Wajiga U Dhaweeyey Uu Farta Ku Fiiqay U Dhahay “ Sedaxdeydi
Markab Inta May Ku Parking Gareysan Yihiin Lolz
Sunday, 13 May 2012
Yurub Iyo Roob Bad Weather
Oday Dadki Hore Ah Aa Waxuu Rabay Gabar Yar Oo Yurub Ku Dhalatay In U Shukaansado Kadib Waxuu Isku Dayey In Uu Soo Jiito Gabadhii Yareed Amaan Uu Bilaabay " Quruxdaada Waxay Iila Mid Tahay Roob Afarta Dhinac Ka Yimid Dhulkoo Qoyan Oo Reysleh Markuu Halkaas Maraayo Gabadhi Waxay Tiri 'Adeeroow Imaad You Are Bad Weather" Cimilo Xun Aa Tahay Ay Taagan Tahay Yurub Ma Roob Iyo Waxaas La Soo Hadal Qaadaa you Are Dry Like Summer Time Mu Dhaho Lolz
Taataabasho Maxaa Ku Xigo Hee
Mid Ciyaalka Xaafada Ah aa Qof Shukaansanaayey Asigo Meel U Ka Bilaabo Weysan Sheekada Aa Gabadhi Maqashay Aweys Khamis Oo Heesaayo Taagtaagsashaa Lagu Tanaadaaye Waxay Dhahay " Maxuu Dhahay" Kulahaa Waxuu Dhahooyaa Taataabashaa Lagu Tanaadaaye lolz Taataabashow Maxaa Ku Xigo hee lolz
Aan Isla Dhimano Dumar iyo Maseer
Gabdho Oo Qararaf Ah Gidisley Ah Ama Ganacsato ah Aa Ayagoo Safar Ah Diyaaradii Ay Saarnaayeen Qalqashay Waxaa La Dhahay Waala Dhimanaa Ee Qof Kasto Ilaahey Ha Baryo Xoogaa Kadib Diyaaradi Waa Iska Fiicnaatay Markay Xaalada Caadi Ku Soo Noqotay Aa Lees Wareestay War Heblaayo Maxaa Ka Fikireysay Adiga Ama Ka Shalayneysay Hadaa Dhiman Laheed Mid Aa Soo Booday Kulahaa War Aniga Waxaan Ka Shalaynaayey Ninkeyga Oo I Leh Waa Ku Raacaa Aan Ka Soo Tagay In Aan So Wado Ay Eheed Hadaan Dhiman lahaa Lacagti Aan Isla Shaqeesanay uu Naag Kale Ku Aroosi Lahaay Lolz Aan Isla Dhimano lolz
Subscribe to:
Posts (Atom)